Diblomaasi Horay Soomaaliya Wakiil Uga Ahaa Q/Midoobey Iyo J/Carabta Oo Ku Geeriyooday 99 Jir

Cabdirahim Cabbi Farax, oo ahaa diblomaasi Soomaaliyeed oo caan ah, in ka badan 29 sano dalka matalayey ayaa ku geeriyooday Mareykanka, Faarax waxaa uu ku dhashay Wales 1919-kii, laakin waxaa sarkaal dowli ahaa tan iyo 1951-dii.
Cabdirahim Cabbi, waxaa uu ahaa safiir in badan ku dhex jiray diblomaasiyadda, waxaa uu noqday safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, waxaa kale uu muddo dheer ahaa wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey iyo Jaamacadda Carabta. 1961-1990 waxaa uu ahaa diblomaasi aan dhicin.
Keliya intaas kuma ekaan, ee waxaa uu ka mid noqday saraakiisha Qaramada Midoobey isagoo noqday madaxa guddi ay qaramada midoobey u xilsaartay arrimaha cunsiriyadda, waxaa kale uu noqday kaaliyaha xogheyaha guud ee qaramada midoobey ee arrimaha gaar ah.
Goobjoog News