U bood dhigaalka

Diwaangelinta Musharraxiinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Maanta Billaabaneysa

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa si rasmi ah u billaabanaya diiwaangelinta musharraxiinta u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada ee golaha shacabka ayaa sheegay in maanta oo ay tahay 23 April bilaabaneyso diiwaangelinta, waxaana ay ku egtahay berri 24-ka April ah.

Maalmaha 25 iyo 26-ka April, musharraxiinta isku diiwaangeliyey doorashada guddoomiyaha golaha shacabka ayaa jeedin doona khudbadahooda, iyadoo 30-ka bishan la qaban doono doorashada guddoomiyaha golaha shacabka.

Illaa iyo haatan waxaa xilkaan sheegay iney u tartami doonaan Shan musharrax oo ay ku jiraan Labo wasiir.

Goobjoog News