U bood dhigaalka

Diyaar Garowga Doorashada Laba Kursi Oo Caawa Jowhar Ka Socota

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyey Odayaasha dhaqanka ee soo xulaysa Ergada dooranaya laba kursi oo katirsan Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa waxaa ay shaaciyeen 10 Oday dhaqameed iyo isugu jira bulshada rayidka oo soo xulaya Erkada kala dooranaysa ku-raasta tirsigeedu kala yahay HOP# 70 iyo HOP#115, kuwaas oo deegaan doorashadoodu ay tahay maamulka Hirshabeelle.

Magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxaa caawa ka soconaya diyaar garowgii u dambeyay ee doorashada beri, waxaana ka socda gudaha magaalada kulama ay musharixiinta la yeelanayaan Ergada soo diiraneysa xildhibaanada.