U bood dhigaalka

Diyaaradaha Israa’iil oo Weerar Ku Qaaday Magaalooyinka Qaza iyo Rafah

Sheeko:Caalamka

Diyaarado dagaal oo ay leedahay  Israa’iil ayaa ayaa duqeymo ka geystay marinta Qaza, halkaas oo lagu weeraray  hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Islamic Jihad kaddib duqeymo dhanka cirka ah oo ay habeen hore ka geysatay, sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka reer Falastiin.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan sagaal qof oo kale oo ay ku jiraan haween iyo carruur ay sidoo kale dhinteen duqeymahaas marka laga reebo hoggaamiyaha la beegsaday oo halkaas ku geeriyooday, halka ku dhawaad ​​labaatan kale ayaa ku dhaawacmay.

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay guud ahaan magaalada Gaza iyo Rafah oo ku taalla koonfurta marinka Qaza, kuwaas oo argagax ku abuuray dadka deegaanka, waxaana weerarka lagu qaaday koox Islaami Jihaad ee ku sugan Qaza, sida ay sheegayaan wararka laga helayo.

Bayaan ay soo saareen, guutada Al-Qudus ee garabka militariga ee Jihaad Islaami ayaa lagu sheegay in iska caabinta Israel ay sii socon doonto. Boqollaal Gantaal ayaa dhanka Israa’iil looga soo tuuray Qaza toddobaadkii hore kaddib markii gacanta Israel uu ku dhintay Khader Adnan.

Goobjoog News