U bood dhigaalka

Donald Trump oo Ballan Qaadey in Qaxootiga Suuriya Celin Doono Haddii Madaxweyne Loo Doorto

Sheeko:Caalamka

Ganacsade Donald Trump  ayaa sheegay in Qaxootiga Suuriya ee ku sugan Mareykanka uu dib ugu celin doono dalkooda haddii isaga Madaxweyne loo doorto.

Ninka billionaire-ka ah waxaa uu u tartamayaa Xisbiga Jamhuuriga, Aftiyada laga qaado xiligan isaga ayaa ku horeeya dhanka jamhuuriga, ninkan ayaa  ku tartamaya lacagtiisa.

Donald Trump ayaa u sheegay dad taageerayaashiisa ah in uu maqlay in dalka Mareykanka la keeni doono ilaa 200,000 oo qaxooti ah  isagoo intaa raaciyay dadkaasi laga yaabo in ay ka tirsan yihiin Daacish ama argigixisada.

Mareykanka ayaa sheegay in ilaa 10,000 oo Qaxooti Suuriyaan ah ay aqbali doonaan sanadka dambe.

Nus Milyan qof oo Suuriyaan ayaa ka gudbey badda Mediterranean-ka sanadkan gudahiisa, dagaalka Suuriya waxaa lagu dilay in ka badan 250,000.