U bood dhigaalka

Donald Trump Oo La Kulmay Mitt Romney, Lagana Yaabo In Golahiisa Uu Kusoo Daro.

Sheeko:Caalamka

Waxaa sabtidii New Jersey kulan 80 daqiiqo qaatay uu  ku dhexmaray madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump iyo Mitt Romney oo siyaasad ahaan aad isu necbaa.

Labada nin midkoodna maka hadlin arrimaha la xiriira kulanka, laakin Romney waxaa uu sheegay in uu ahaa mid meel fog la isla gaaray.

Mudadii uu ololaha socotay  Mr Romney waxaa Mr Trump ku sheegay in qiyaanoole, beenlow ah halka Trump  uu sheegay 2012-kii in ololaha  Romney uu ahaa midkii ugu xumaa abid.

Ilaa iyo hadda 5 qof uu Donald Trump doortay, waxaa laga keenay qeylo, iyadoo la filayo in dhawaan ay kala cadaado cidda ka mid noqon doono wasiiradiisa iyo in kale.