U bood dhigaalka

Doodarashada Guddoonka Golaha Shacabka oo Bilaabatay Imisa Musharrax Ayaa Ku Tartamaysa?

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa goowdhow Teendhada Afisyooni ee xerada xalane ka bilaabatay doorashada guddoonka giolaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, waxaana goobta soo wada gaaray xildhibaannada golaha, sida uu cadeeyay guddoomiye Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo sheegay in goobta ay joogaan 240 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka.

Xidhibaannada ayaa doorandoona kuraasta guddoonka golaha sida guddoomiyaha oo ay ku tartamayaan 8 musharrax, halka ku-xigeenka koowaad ay ku tartamayaan 10 musharrax iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad waxaa u taagan 7 musharrax, waxaana musharrax waliba uu u baahan yahay 120 cod si uu u guulaysto.

Magacyada musharraxiinta guddoomiyaha  golaha shacabka.1-

1- Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed musharrax guddoomiyaha golaha shacabka.

2- Xildhibaan Cabdullahi Aadan Axmed Black musharrax guddoomiye golaha shacabka.

3- Xilshibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor musharrax guddoomiye golaha shacabka.

4-Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur musharrax guddoomiye golaha shacabka.

5-Guddoomiyihii hore Maxamed Mursal Sheekh  musharrax guddoomiye.

6- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla musharrax guddoomiyaha golaha shacabka.

7- Xildhibaan Sidiiq Cabdullaahi Cabdi musharrax guddoomiye golaha shacabka.

8- Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe musharrax guddoomiye golaha shacabka.

Marka laga tago guddoomiyaha waxaa kursiga ku-xigeenka koowaad u tartamaysa 10 musharrax

Magacyada musharraxiinta guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka

1- Xildhibaan Abdikariim Cadow Xeyday, musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

2- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Cadde musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

3-  Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

4- Xildhibaan  Maxamed Cabdalla Axmed musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

5- Xildhibaan  Maxamed Cali Cumar Caananuug musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

6-  Xildhibaan Maxamed Nuur Abuukar musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad

7-  Xildhibaan Maxamed Cumar Cameey musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad

8 – Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Xaaji musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

9- Xildhibaan  Sacdiya Yaasiin Xaaji musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad

10- Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha shacabka ayaa waxaa u tartamaya 7 musharrax.

Magacyada musharraxiinta guddoomiye ku-xigeenka 2-aad  ee golaha shacabka 

1- Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad

2- Xildhibaan Axmed Aadan Axmed musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad.

3- Xildhibaan Asad Cabdirisaaq Maxamed musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad

4-Xildhibaan  Ayuub Ismaaciil Yuusuf musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad.

5- Xildhibaan Mahad Cabadalla Cawad musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad

6- Xildhibaan Maxamed Xuseen Abuukar Gaaraxo musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad

7- Xildhibaan  Saciid Maxamed Cali musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad

Doorashada guddoonka ggolaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aaddo ayaawaxaa ay ka dhacaysaa  magaalada caasimadda ah  ee Muqdisho, waxaa xilalalka kuraastaan Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Maxamed Mursal Sheekh guddoomiye  Cabduwali Ibraahim Muudeey  ku-xigeenka 1-aad iyo Mahad Cabdalla Cawad 2-aad.

Goobjoog News