U bood dhigaalka

Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo Afisyooni Ka Dhacaysa

Sheeko:Baarlamaanka

Maaalinta barri oo taariikhdu ku beegan tahay 26-ka bisha April 2022-ka ayaa waxaa  lagu wadaa in doorashada guddoonka aqalka sare ay ka dhacdo Teendhada Afisyooni ee aagga Xalane,  waxaana la dooran doonaa kursiga guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa koowaad iyo labaad, waxaana u sharraxana guddoonka 12 musharrax.

Baarlamaanka labadiisa gole oo wadajir u kulmay ayaa 14-kii bisha iska dhex xulay laba guddi doorasha, kuwaas oo qabanqaabiya doorashada guddoonka golaha shacabka iyo aqalka sare oo Muqdisho kawada dhici doona 26-ka bisha iyo 27-ka bisha Apriil 2022-ka,doorashada ayuu dhigay  guddigu Afisyooni sababo dhowr ah sida uu xusay.

Golaha aqalka sare ayaa musharraxiinta u taagan guddoomiyaha iyo ku-xigeennada waxaa uu dhagaystay hadal-jeedintooda 23-kii bisha, waxaana guddoomiyaha u taagan ilaa 3 musharrax, halka ku-xigeenka koowaad ku tartamayaan 2 musharrax iyo ku-xigeenka labaad oo ay ku loolamayaan ilaa 7 musharrax oo ku loolami doona.

Magacyada Musharraxiinta guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlamaanka.

1- Senator Saalax Axmed Jaamax musharrax guddoomiye

2- Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi musharrax guddoomiye.

3- Senator Cismaan Abuukar Dubbe musharrax guddoomiye.

Magacyada Musharraxiinta guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

1- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

2- Senator Cali Shacbaan Ibraahim musharrax guddoomiye ku-xigeenka 1-aad.

Magacyada Musharraxiinta guddoomiye ku-xigeenka 2-aad.

1- Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad

2- Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim Xaabsade musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad.

3-Senator Cabdi Cismaan Xareed musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad

4- Senator Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade, musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad.

5- Senator Sareedo Maxamed Jayte musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad

6- Senator Ilyaas Bedel Gaboose musharrax guddoomiye ku-xigeenka 2-aad.

7-Senator Xasan Xuseen Xaaji Xasan Xuseen Xaaji.

Goobjoog News