U bood dhigaalka

Doorashada Guddoonka Golaha Shacbka Oo Saaka Dhaceyso, Akhriso Yaa U Tartamaya

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta oo Arbaca ah lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada guddoonka golaha shacabka baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka iyo labaddiisa ku-xigeen oo muddooyinkii la soo dhaafay ay diyaar garowgeeda ka socotay magaalada ayaa saaka oo Arbaca ah ka dhaceyso xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni.

Waxaa doorashada guddoonka u tartamaya musharixiin ku dhaw 30 musharax oo kamid ah xildhibaannada baarlamaanka.

Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka ayaa waxaa isku soo taagay oo saaka ku tartamaya 8 musharax oo kamid ah xildhibaannada .

Musharixiinta saaka ku tartamaya doorashada guddoomiyaha golaha shacabka ayaa kala ah:

1-Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed (Xidig).

2-Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed (Black).

3-Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor.

4-Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur.

5-Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

6-Xildhibaan Saadiq Cabdullaahi Cabdi.

7-Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla.

8-Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Dhinaca kale isla maanta ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka oo ay u sharaxan yihiin

1: Maxamad Cali Cumar Caana nuug

2: Sacdiya Xaaji Yaasiin

3: Cabdixakiin Cabdow Xaydar

4: Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cadde

5: Khadiijo Maxamed Diiriye

6: Maxamed Cabdalla Axmed Maxamed

7: Maxamed Nuur Abuukar

8: Maxamed Cumar Caymooy

9: Saciid Maxamed Maxamuud

10:  Maxamed Cabduqadir Xaaji

Waxaa dhanka kale doorashada guddoomiye ku-xigeenka labaad oo isla maanta dhaceysa u tartamaya 7 musharax oo kala ah:-

1: Cabdulaahi Cumar Abshirow

2: Mahad Cabdalla Cawad

3: Maxamad Xuseen Abuukar

4: Asad Cabdirisaaq Maxamad

5: Axmad Aadan Axmad

6: Saciid Maxamad Cali

7:Ayuub Ismaaciil Yuusuf

25-kaan musharax ayaa saaka u tartamaya doorashada guddoomiyaha golaha sahcabka iyo labdiisa ku-xigeen oo lagu wado in ay ka dhacdo xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni.

Goobjoog News