U bood dhigaalka

Doorashada Jowhar Iyo Halka Uu Salka Ku Hayo Loolanka Maxkamadda Sare iyo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashada

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa April sanadkii hore meel-mariyay qaraar ka hadlaya buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha, kaasi oo ku saabsan in guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka loo wakiisho labada kursi ee Baarlamaanka ka dhimman, kuwaasi oo kala ah kursiga xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe oo noqday taliyaha hey’ada nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka iyo hal Xildhibaan oo geeriyooday.

10 bil kadib, berri ayaa lagu wadaa in kursigii Sanbaloolshe oo ay isaga iyo 5 kale ku tartamaan doorasho uga dhacdo  Jowhar, laakin waxaa jiro dacwad maanta socotay oo dalbaneysa joojinta doorashadaasi.

Guddoomiyaha maxkmadda sare ayaa guddiga madaxabannaan u sheegay in aan doorashada 2baasi kursi la qaban-karin isaga oo cuskanaya qodobka 59aad ee dastuurka KMG ah oo dhigaya in marka xubin ka tirsan golaha shacabka uu banneeyo kursiga aan loo tartami karin islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan u buuxin doono shaqsigii ku soo xigay dhinaca doorashada.

Qodobka 59aad. Sababaha Lagu Lumiyo Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka

(1)         Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa:

(a)        Xubinta oo Geeriyoota

(b)       Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah.

(c)        Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado.

(d)       Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.

(e)        Haddiiay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn

(f)        Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad Sharciga.

(2)         Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore ku xigey.

(3)         Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin- sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo maalinta xildhibaanka uu beddelayaa lumiyey xubinnimada Baarlamaanka.

Dacwada hadda socoto ee dalbaneysa joojinta doorashada 2bada kursi waxaa ku qotontaa qodobkan, Goobjoog News waxaa qoraal soo gaarsiiyay Xasan Cali Cabdi(Xasan Dhuxul iyo Maxamed Cabdi Xasan(Bekos) taas uu ku saxiixan yahay garsooraha maxkamadda sare Dr. Maxamud Axmed Faarax, waxaa go’aan lagu dalbaday in la joojiyo doorashada kuraastaasi.

Dhinaca kale guddiga madaxabannaan ee doorashada qaranka  ee ay guddoomiyaha ka tahay Xaliimo Ibraahim Yarey ayaa ku doodaya in tilaabada uu qaadayo guddoomiyaha maxkamadda sare aaney sharci aheyn, qodobka 59aad ka hadlayo dastuurka uu dalka leeyahay iyo weliba sharci doorashada labadaasi aananan hadda dalka ka jirin, oo doorashada 2016-ka waxaa ay aheyd mid dadban oo xeer gaar ah ayaa loo maray.

Hadaba, iyada oo loolankaasi uu jiro ayey berri indhaha ku sii jeedaan magaalada Johar halkaasi oo tartanka ku dhex-marayo 6 murashax oo u tartamayo kursiga Cali Madaxweyne, Xawaadle, Hawiye, lamana oga sida ay wax u dhici-doonaan.

Goobjoog News