U bood dhigaalka

Doorashada Kursi Ka Bannaa Golaha Shacabka oo Baydhabo Ka Dhacday

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka kuraasta bannan ee golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta doorashada mid kamid ah kuraasta ku qabtay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kursigaan tirsigiisu yahay  HOP#176 oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku fadhiyay oo ka geeriyooday Allah unaxariistee Ex Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud Boorow oo xilligii doorashada lagu doortay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Mukhtaar Maxamed Mursal oo ah wiil uu dhalay Alle ha u naxariistee Xildhibaankii ka geeriyooday kursigaan ee Maxamed Mursal Maxamuud Boorow ayaa ku guuleystay doorashada kursiga HOP#176 oo Maanta guddigu dib u qatay doorashadiisa, iyadoo ugu dambeyn lasoo buuxiyay.

Guddiga doorashooyinka kuraasta ka bannaan golaha shacabka ayaa horay usoo qabtay qabtay kuraasta kala ah HOP#147 oo uu banneeyay Agaasimaha NISA Mahad Salaad, HOP#086 oo horay loogu diiday Fahad Yaasiin & Kursiga HOP#203 oo uu banneeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre.

Goobjoog News