U bood dhigaalka

Doorashada Kursiga HOP#058 oo Dib U Dhacday

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#058, kaas oo lagu madlansanaa in doorashadiisu ay ka dhacdo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee maamulka goboleedka Hirshabeelle,waxaana inuu yahay kursi aad loogu loo lamayo  marka la eego dadka ku tartamay ee u taagan.

Kursigaan oo ilaa 7 musharrax ay isku diiwaangelisay, kuwaas oo qaatay shahaadada musharraxnimada ayaa waxaan la ogeyn sababta keentay dib u dhaca ku yimid doorashadiisii, marka laga soo tago in guddiga hirgelinnta doorashooyinka Hirshabeelle uu sheegay inuu dib u dhacay, waxaana la dooran doonaa maalinta barri ah.

Musharraxiinta u tartamaysa kursigaan ayaa waxaa ku jira taliyihii hore ee hey’adda Nabad sugidda iyo  sirdoonka qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, waxaana ay wajahayaan tartanka shan musharrax oo kale.

1:Cabdullaahi Maxamed Axmed Sanbaloolshe agaasimihii hore ee hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

2: Yoonis Maxamed Nuur.

3: Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble

4: Ubax Cali Sheegow

5:Cabduqaadir Xuseen Colow

6:Maxamuud Afdhub Makaran

7: Cabdullaahi Axmed Xuseen.

Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo HOP#058 ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad ayaa sheegay inuu isaga haray tartanka loogu jiro kursigaan oo deegaan doorashadiisu ay tahay Baladweyne, waxaana qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uu ku yiri.

“Anigoo ah xildhiban Noor Iidow Beyle waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo tartanka doorasho ee HOP58 ee 2022-2026 oo dhici doonta inshallah maalmaha soo socda. Sidoo kale waxaa sharaf ii aheyd in aan ku matalo uguna shaqeeyo guud ahaan somaliya gaar ahaan bulsha weynta ku nool gobolka hiiraan oo ahaa degaan doorashadeyda .Sidoo kale waxaan balan qaadayaa in aan la shaqeyn doono cid kasta oo ku soo baxda kursigaas”

Goobjoog News