U bood dhigaalka

Doorashada Lix Kursi Oo Ka Socota Baladweyne

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan maanta oo Axad ah lagu qabanayaa  dhacdo doorashada 6 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Kuraasta doroashadooda lagu wado maanta in ay dhacdo ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#006, HOP#022, HOP#003, HOP#032, HOP#252 & HOP#068.

Waxaa baarlamaankii 10-aad kuraastaan ku fadhiyay xildhibaanada kala ah :-

✅HOP#006: Maxamuud Cabdullaahi Axmed.
✅HOP#022: Cismaan Maxamed Cabdi.
✅HOP#003: Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax Beene-Beene.
✅HOP#032: Khaliif Cabdi Cumar.
✅HOP#252: Cabdicasiis Saalax Carmaan.
✅HOP#068: Faaduma Faarax Ibraahim.