U bood dhigaalka

Doorashada Qurbajoogta Turkida oo Maanta Lasoo Gabagabeynayo

Sheeko:Caalamka

Muwaadiniinta Qurbojoogta dalka Turkiga ayaa maalintii afaraad codadkooda dhiibanaya, iyadoo maanta galinka dambe la soo gabagabeynayo, codeynta Qurbajoogta ayaa door ku leh doorashada gudaha, Sanaadiiqda ayaa dalka dib loogu celin doonaa, si halkaas loogu tiriyo, xilli gudaha wareegga labaad loo dareerayo 28-ka.

Qurbajoogta ayaa ka codeeyay ilaa 167 goobood oo ka mid ah 151 wakiillada Turkiga ee 73 waddan, xilli guddiga doorashada sanaadiiqda ay ku tirin doonaan gudaha dalka marka ay keenaan, xisbiga AK Party ayaa la sheegayaa inuu taageero xooggan ka heysto Qurbajoogta, marka laga reebo kuwa ku nool Mareykanka iyo dalka Canada.

Wareegga labaad ee doorashada gudaha dalka Turkiga oo loo dareerayo asbuuca soo aadan ayaa waxaa si weyn isugu haya musharraxiinta ugu codka badan ee kala hoggaaminaya xisbiga AK Party iyo Xisbiga mucaaradka ah, waxaa soo seddexaaye Sinan Ogan oo hoggaamiya National Movement Party, kaas oo haysta tiro aan badneyn.

Sinan Ogen ayaa waxaa lagu tilmaamaa nin ku ad-adag Diinta Islaamka, taas ayaa keenaysa inuu ka weecdo Kemal Kılıçdaroğlu, kaas oo sheegay inuu doonayo inuu kala saaro Diinta iyo Dowladnimada Turkiga, sidii uu hore uu u sameeyay ninkii dhidibada u taagay Jamhuuridda dalka Turkiga Mustafa Kemal Ataturk oo aasaasay Jamhuuriga.

Doorashada ayaa waxaa wareegga labaad la saadaalinayaa ay macquul tahay in lagu kala baxo, kadib midowga AK Party iyo National Movement Party oo madaxdoodu ay ku kulantay magaalada Ankara, xilligaas Sinan Ogen uu taageero u muujiyay xisbiga uu hoggaaminayo madaxweyne Egdogan, taas ayaa keenaysa inaan 3-aad la aadin.

Doorashada Turkiga sanadkaan ayaa waxaa lagu tilmaamay doorashadii Qarniga, maadaama Turkiga uu galayo qarni cusub, 2023, kadib markii ay u soo idlaatay cunaqabateyntii la saaray dhicitaankii dowladdii Cismaaniyiinta oo laga joogo muddo 100 sanno ah Turkiga ayaa muddada Qarnigaasa ku tallaabsaday horumaro dhinac waliba ah.

Goobjoog News