U bood dhigaalka

Doorashada Turkiga oo Wareegii Labaad La Aadayo iyo Xildhibaannada oo La Isku Hayo

Sheeko:Caalamka

Dooashada dalka Turkiga ayaa natiijada kasoo baxday wareegii koowaad waxaa ay muujinaysaa in dhinac walba uu heysto fursad uu ku guuleysan karo. Madaxweynaha xilka haya Recep Tayyip Erdogan oo helay %49.4 codadkii la dhiibtay, iyo Kemal Kilicdaroglu oo helay %45. codadkii la tiriyay maalinimadii shalay ilaa iyo xalay.

Doorashada ayaa waxaa ay tahay mid  la iskula gudbay wareegga labaad, maadaam nidaamka doorashada dalka u haddii uusan jirin murashax %50 ka badan haysta, labada murashax ee ugu codadka badan ayaa doorasho wareeg labaad ah galaya, waxaana laba musharrax ay markale dib ugu tartami doonaan 28 bishaan wareegga labaad.

Sidoo kale waxaa aad loogu tartamayaa aqlabayidda xildhibaannada musharraxiinta soo baxaysa, waxaan xisbiga AK party iyo kan ay xulafada yihiin ee MHP ay ku guulaysteen 316 kursi oo ka mid ah 600 ee kursi,  sida natiijada  hordhaca ah ay sheegayaan  ee guddiga doorashada, mucaaradka ayaa dhankooda heysta mid ku dhow AK.

Dhinacyada ugu badan ee labada qolo ay ololohooda ku bixinayaan ayaa waxaa ugu weyn sare u qaadista kobaca dhaqaalaha, halka Turkigu yahay dhaqaalaha 19aad ee dunida ugu weyn. GDP-giisu waxa uu gaaraya 906 billion Doollar, Balse, dhowrkii sano ee ugu dambeeyay waxaa kobaca dhaqaalaha Turkigu ku yimid hoos u dhac.

Wareegga labaad ee doorashada ayaa waxaa dib loogu laaban doonaa 28 bisha, waxaana markale tartan adag iyo loolan uu dhexmari doonaa musharraxiita labada xisbi ee AK Partty iyo Xisbiga dhinaca cilmaaniga u janjeera ee Jamhuuriga, kaas oo harab weyn ka helaya wadamada reer Galbeedka iyodowladda  Mareykanka.

Erdogan wuxuu madaxweyne soo ahaa tan iyo Agoosto 2014, horena wuxuu u soo noqday ra’iisul wasaare, 2003 – 2014. Wuxuu doorashadan ku ogaaday awooddiisa inta ay gaarsiisan tahay iyo tan mucaaradka, isaga oo doonaya inuu xilka dalkaas uu ku guuleysto markii sedexaad, taas oo ah taariikh aan isaga u gaar noqonaysa.

Goobjoog News