U bood dhigaalka

Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo Nairobi oo Kala Saxiixdey Heshiis Iskaashi Ah

Sheeko:Caalamka

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Xuseen Muungaab iyo kan Nairobi Evans Kidero ayaa maanta qalinka ku duugey heshiis iskaashi oo dhex maray labada dowlad hoose.

Duqa Muqdisho oo ka hadlay heshiiska qodobadiisa ayaa waxa uu yiri “Waxaan yeelanay kulamo dhowr ah waxaana ka wada hadalnay howlaha ay qabtaan dowladaha hoose ee Muqdisho iyo Nairobi,waxana markii danbe soo saarnay heshiis is afgarad ah oo ku saabsan in ay xiriir wanaagsan yeeshaan maamulka labada magaalo oo leys dhaafsado khibradaha”.

Waxyaabaha heshiiska qeyb ka ah waxaa ka mid ah koow in xiriir wanaagsan uu dhexmaro labada dhinac, in isdhaafsadaan waayo aragnimada , iyo in la’isu dhoofiyo xirfadaha la’is dheeryahay, iyada oo maamulka Muqdisho laga caawin doono dhanka qashin uruurinta, bulaacadaha iyo waliba maamul wanaaga sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Muqdisho oo Nairobi ku sugan.

Duqa Nairobi Evans Kidero ayaa loo fidiyey casuumaad uu kusoo booqdo magaalada Muqdisho, balse lama sheegin xiliga uu imanayo halkan.

Goobjoog News