U bood dhigaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska oo Ka Wadahadlay Dagaalka Al-shabaab

Sheeko:War
Wasiirka Gaashaandhiga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa  kulan gaar ah la qaatay sii hayaha Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska Ed Barnett.
Kulankaas ayaa looga hadlay sidii Boqortooyada Ingiriiska ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri laheyd howl-gallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda gobollada dalka.
Wasiirka Jaamac ayaa Danjiraha kala hadlay inay dowlaadda Soomaaliyeed ka taageeraan sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka muddada fog saaran, arrinkaas oo laf-dhabar u ah dadaalka loogu jiro Al-shabaab.
 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahad celiyey Boqortooyada Ingiriiska kaalinta ay ka qaadato dhisidda ciidan hanta guud ahaan amniga dalka.
Ugu dambeyn,Sii hayaha Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ed Barnett ayaa dhankiisa bogaadiyey howl-gallada ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya ee looga saari lahaa  Al-Shabaab.
Goobjoog News