U bood dhigaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Suciidiga oo Ka Wadahadlay Xiriirka iyo Iskaashiga Laba Dal

Sheeko:Caalamka
Wasiirka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya , Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa ooku sugan Mareykanka ayaa  kulan doceed kula qaatay Xarunta Qaramada Midoobey ee New York Dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah, oo ay ka wada qeybgalayaan shirka 77aad ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa.
Labada Wasiir ayaa kulankooda kaga hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada xoolaha, kalluumeysiga, kordhinta isdhaafsiga ganacsiga, cunto yarida, abaaraha iyo howlaha golaha dowladaha dhaca Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo sidii loo joogteyn lahaa xiriirka soo jireenka ee labada dal ee Suciidiga iyo Soomaaliya.
Dowladaha ayaa caddeeyay qoto-dheerida xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah, dowladda Suciidiga ayaa horay ugu ballanqaaday Soomaaliya in ay ka taageereyso arrimaha gurmadka abaaraha xilligaan ka jira Soomaaliya, taas oo dad iyo duunyo intaba saameysay, Sucuudiga ayaa  Soomaaliya ka taageerta dhinacyo badan.
Kulanka wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federalka uu la qaatay dhigiisa Sucuudiga ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo wasiir Abshir Cumar Jaamac, uu ku sugan yahay magaalada New York, halkaas oo uu kulamo dooceedyo uu kula leeyahy wasiirrda arrimaha dibadda dowladaha daneeyo arrimaha Soomaaliya, isaga oo kala hadlaya xiriirka dowladdiisa.
Goobjoog News