U bood dhigaalka

Dowladda Imaaraadka oo Ku Dhawaaqday ku Dhawaad kun kiis oo Covid-19 ah

Sheeko:Caalamka

Wasaaradda caafimaadka Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday in la diiwaan galiyay 994 kiis oo ah cudurka safmarka ah ee Covid-19 24-saac ee lasoo dhaafay, taasoo ka dhigan in tirada guud ee dadweynaha laga helay tan iyo markii uu dilaacay dhammaadkii sanadkii lasoo dhafay ay gaarayaan 201,836 oo kiis gudaha isutagga Imaaraadka Carabta.

Dhimashada ayaa gaareysa labo ruux sida ay warisay wasaaradda Caafimaadaka ee Dolwadda isugeeyn dadkii u dhintay Cudurkaan ayaa gaaraya 657 qof, waxay kaloo xustay in 1,265 qof oo dheeri ah ay si buuxda uga soo kabteen COVID-19, taasoo wadarta tirada soo kabashada ka dhigeysa 178,672.

si kastaba ha ahaatee Cudarkaan gaalaaftay malaayiin ruuux oo ku nool daafaha caalamka ayaa cabsi badan laga qabaa inuu markale uu ku faafo dunida iyadoo waddamada qaar la sheegay in laga helay nuucyo hor leh oo aan wili la arag.

Goobjoog News