U bood dhigaalka

Dowladda Ingiriiska oo £2.3 Milion oo Pound Ugu Deeqday Ciidanka Soomaaliya

Sheeko:Caalamka

Dowladda Ingiriiska  ayaa ku dhawaaqday £2.3 milyan oo Pound inay ku deeqeyso Sanduuqa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), taas oo loogu tala galay in lagu caawiyo Ciidanka ammaanka dalka.

Kulan ay Muqdisho ku wada qaateen Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane ,Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, Kate Foster, ayaa lagu shaaciyay in Britain ay deeqdani uga tala gashay bixinta taageerada saadka iyo sahayda kale ee Ciidanka.

Danjire, Kate Foster ayaa tiri “Maalgelinta cusub waxay ku dhisan tahay taageerada UK ee muddada dheer ay siin jirtay Ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo Sanduuqa Trust ee UNSOS. 2021/2022, UK waxa ay 4.9 milyan oo Geni siisay Sanduuqa Trust Fund ee UNSOS, kaas oo ku baxday Askarta iyo booliiska Soomaaliyeed’.

Goobjoog News