U bood dhigaalka

Dowladda Itoobiya oo Dagaalamayaal Ka Tirsan Al-shabaab Kusoo Bandhigtay Aadis Ababa

Sheeko:Caalamka

Dowladda Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa kusoo bandhigtay tiro dagaalamayaal ah, kuwaas oo ay sheegtay in lagu qabtay dagaalka Al-shabaab ay ku qaadeen  dalkaas, kaas oo markii ugu horeysay ka bilowday xadka gobolka Bokool la wadaago, waxaana uu ku faafay qeybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida.

Qaar kamid ah maxaabiista  lasoo bandhigay oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in hadafkoodu ahaa qabsashada Itoobiya” Afar bilood ayaan ku jiray tan ayaa shan ii ah ay dagaalka ii soo kaxeeyeen, Waxaan rabnay in aan qabsano wadanka Itoobiya, laakin waa nala soo siray”  ayuu yiri mid kamid ah.

Dalgalka u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidanka Liyuu Police ayaa waxaa uu geystay khasaare badan oo soo kale gaaray labada dhinac iyadoo mid waliba guulo ka sheegtay dagaalka dhacay, dowladda Itoobiya ayaa dhowr jeer soo bandhigtay maxaabiis ay sheegtay in ay ku qabatay dagaalka u dhaxeeyay ciidankooda iyo Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa dhankooda dowr jeer soo bandhigay sawiiro ay ku faafiyeen baraha Bulshada ay iscmaalaan, kuwaas oo muujinayay meydadka askar ay ku sheegeen  ciidanka Liyuu Police oo kula dagaalamay deegaannada dhaca xuduudda ay wadaagaan Somaaliya iyo Itoobiya, kaas oo markii dambe ku faafay gobolka Afdheer.

Dagaalka u dhaxeeya labada dhinac oo bishii hore ka bilowday deegaanka Aato ee gobolka Bakool ayaa sidoo kale ku faafay xadka gobolka Hiiraan uu la leeyahay dalkaas, walow gobolka Bookool oo qeyb kamid ah ay joogaan Al-shaab uu dagaalka intiisa badan ka dhacay oo dhowr jeer labada ciidan ay isku faro saareen.

Goobjoog News