U bood dhigaalka

Dowladda Itoobiya oo Ka Hadashay Khasaaraha Weerarkii Al-shabaab

Sheeko:Caalamka

Dowladda federalka Itoobiya ayaa markii ugu horaysay ka hadashay dagaal dhex maray ciidamada Lyu-Police xoog ka tirsan Alshabaab, kaas oo dhaliyay khasaare badan, waxaana sarkaal u hadlay dowladda uu sheegay in ay dileen 63 dagaalame oo Al-shabaab ah, isaga oo intaas ku daray in dhankooda ay ka dhinteen 17 askari iyo dhimashada 3 qof oo shacabka siduu yiri.

Al-shabaab ayaa dhankooda waxay ku faafiyeen baraha bulshada ay isticmaalaan in dagaalkii ay la galeen Lyu Police-ka ay ku dileen 87 askari oo ka tirsan ciidankaa, sida ay hadalka u dhigeen, wararka qaar waxaa ay sheegayaan in Alshabaab ayaa ka gudbay xadka labada dal, iyaga oo ka dagaalamay gudaha gobolka Afdheer, kadib weerarkii ka bilowday Aato iyo Yeed.

Ciidamada Lyu Police-ka ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay kadib dagaalka markii uu dhacay ay dileen dad xoolo dhaqato ah oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, guddooomiyaha gobolka Bokool Maxamed Taal waxaa uu sheegay in gobolka ay ka jirto xaalad Banii’adanimo, taas oo ka dhalay abaarta baahsan ee ka jirta gobolka iyo colaadaha is biirsaday ee kusoo laablaabtay.

Gobolka Bokool oo ay ku jirto magaalada xarunta u ah ee Xudur waxaa go’doomiyay Al-shabaab, waxaana markale uu xusay guddoomiyaha in Lyu Police-ka  looga baahan yahay in ay la tashtaan Koonfur Galbeed, marwalibana ay koontroolaan dadka ka gudbaya xadka labada dal, dagaalka oo socday laba maalin ayaa waxuu geystay khasaare kale duwan oo soo  kala gaaray.

Goobjoog News