U bood dhigaalka

Dowladda Itoobiya oo Markiigii Ugu Horeysay Ka Hadashay Dagaalkii Al-shabaab

Sheeko:Caalamka

Dowladda dhexe ee dalka Itoobiya ayaa markii ugu horaysay waxaa ay ka hadashay dagaalkii dhowaan dhex maray xoogaga Al-shabaab iyo ciidanka Liyuu Police, kaas oo ka bilowday xuduudka kuna faafay gobolka Afdheer ee dowlad deegaanka, federalka ayaa hadalkeedu  ahaa mid la sugayay in muddo in ay ka hadasho dagaalkii dhacay.

War-saxaafadeedkaan kasoo baxay dowladda dhexe  ayaa si buuxda ugu saabsan faahfaahinta dagaalladii isxigay ee ka dhacay magaalooyin u dhow xadka kala qaybiya Itoobiya iyo Soomaaliya, kuwaasoo ay ku lug lahaayeen Al-Shabaab iyo ciidamada Liyu Booliska ee dowlad deegaanka Soomaalida.

“Al-Shabaab damacoodu waxa uu ahaa in ay ka gudbaan deegaanka Ceel-Karri si ay u gaaraan dhulka jooggiisu sarreeyo ee ka billowday halkaas iskuna xira deegaannada Soomaalida iyo Oromada si ay khalkhal u sameeyaan jabhadna halkaas uga noqdaan iyagoo ku biiraya kooxda Shene,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay dowladda dhexe.

Xogta kasoo baday dowladda lagu sheegay waxaa ka mid ah in 85 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Feerfeer ee ku taalla xadka ay Itoobiya la wadaagto gobolka Hiiraan, waxaana xusid mudan in Al-shabaab horey u baahiyeen in ay dileen dhankooda 87 askari dagaalkii xadka ka dhacay.

Goobjoog News