U bood dhigaalka

Dowladda Jabuuti oo Sheegtey in Maxaabiis Dagaal ay Ka Heysato Dowladda Eritrea

Sheeko:Caalamka

Djibouti Foreign Minister Youssouf attends news conference with German Defence Minister zu Guttenberg after talks in BerlinWasiirka arrimaha dibada dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ka deyriyey xaaladda nolol iyo geeri waxa ay ku suganyihiin maxaabiis dagaal oo dowladda Eritrea ka heysato Jabuuti, kuwaasi oo lagu qabtay dagaalkii labada dal dhexmaray sanadkii 1998-dii ee xuduuda ka dhacay.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyey wakaalada wararka ee dalka Turkiga ee Anotolia, ayaa sheegey in dhexdhexaadintii ay labada dal ka dhex sameysey Qadar ay horseedey in Jabuuti ay siideyso maxaabiis dagaal oo Eritrea ay ka qabteen, balse Eritrea aysan illaa maanta soo siideynin maxaabiistii Jabuuti laga qabtay.

“Eritrea ma dooneyso in ay waanwaan gasho, mana dooneyso in gobolkani xasilooni ka dhacdo” ayuu yiri wasiirka.

Jabuuti iyo Eritrea ayaa markii ugu horeysey isku dhacay sanadkii 1996-dii, xiligaasi oo ay qarka u fuuleen in ay galaan dagaal weyn, tanina waxa ay ka dambeysey kadib markii Jabuuti ay Eritrea ku eedeysey in ay duqeysey magaalada Raas Dumeeyra. Kadib sanadkii 1999-kii Eritrea ayaa Jabuuti ku eedeysey in ay la safatay dowladda Itoobiyo oo uu dagaal kala dhaxeeyey, halka Jabuuti ay iyaduna Eritrea ku eedeysey in ay taakuleyso jabhadii xiligaasi ka dagaalamaysay Jabuuti.

Jabuuti ayaa safiirkeedii dib oga yeeratay magaalada Casmara ee caasimadda Eritrea, kaasi oo balse dib Casmara ugu noqdey sanadkii 2001-dii.

Isku dhacdo socdey muddo 3 maalmood ah ayaa xuduuda ku dhexmaray labada dal sanadkii 2008-dii, kaasi oo maxaabiista lagu kala qabsaday. Dagaalkani waxa uu horseedey in golaha amaanka ee quruumaha loo dhanyahay ay cunaqabatayn xagga hubka ah kusoo rogaan Eritrea, taasi oo illaa maanta saaran.

Sanaddii 2010-kii ayay dowladda Qatar labada dal ka dhex biloowdey waanwaan, taasi oo horseedey in Jabuuti ay siideyso maxaabiistii ay ka heysatay Eritrea, balse afar sano kadib Eritrea ma aysan soo siideynin maxaabiista Jabuuti laga heysto.

Dhinaca kale mar uu wasiirka ka hadlayay xiriirka kala dhaxeeya wadamada kale ee dariska ah sida Ethiopia, Soomaaliya iyo Yemen ayuu sheegey in uu yahay mid aad u wanaagsan, kuna dhisan iskaashi, wax wada qabsi iyo ixtiraam.

Wuxuu si gaar ah oga hadlay ciidamada nabad illaalinta ee Jabuuti ka jooga Soomaaliya oo dhan kun askari “Soomaaliya oo kaliya ma ahan, dalka Ivory Coast, Suudaanta Koonfureed iyo Afrikada dhexe ayay ciidamo nabad illaalin ah naga joogaan” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray in xarunta IGAD maadaamaa ay dalkiisa ku taalo ay Jabuuti hormuud ka tahay dhamaan dadaalada waanwaanta iyo xal u helista mashaakilaadka Afrika, sida Suudaanta Koonfureed oo kale.

Wuxuu wasiirka amaanay kaalinta Turkiga ee Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo uu sheegey in imaanshihii Ra’isulwasaaraha Turkiga Rajjeb Tayib Erdogan ee Muqdisho sanadii 2011-kii ay ahayd arrin taariikhi ah oo bog cusub u furtey xiriirka Afrika iyo Turkiga.

Xiriirka kala dhaxeeya dowladda Itoobiyo ayuu amaanay wasiirka, wuxuuna sheegey in ganacsiga iyo isticmaalka dekada Jabuuti uu yahay waxa ugu weyn oo ay labada dalba ka macaasheen.

Goobjoog News