U bood dhigaalka

Dowladda Kenya oo Dayax Gacmeedkii Ugu Horeeyay U Dirtay Hawada Sare

Sheeko:Caalamka

Dowladda Kenya ayaa hawada sare u dirtay dayax gacmeedkii ugu horeeyay iyadoo dalka ku yaala bariga Afrika uu si rasmi ah ugu biiray wadamada ku dhiiraday farsamada dayax gacmeedka.

Dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee 3U Earth observation oo loo yaqaan Taifa 1 ayaa laga diray saldhigga Vandenberg ee California, isagoo saaran gantaalka Falcon-9 ee shirkadda Space X.

Bilawga guusha leh ee maanta waxa ay daba socotaa saddex isku day oo fashilmay oo loo aaneeyay cimilo xumo, waxaana dowladdu ay ku tilmaantay guul laga gaaray farsamada Dayax Gacmeedka.

Tallaabadaan ay qaaday dowladda Kenya ayaa waxaa ay Albaabka u fureysaa in wadamada qaaradda Afrika ay bilaabaan tartanka Dayax Gacmeedka, kaas oo hadda soo gaaray dalalka Barika Afrika.

Goobjoog News