U bood dhigaalka

Kenya Oo Xayiraadda Ka Qaaday Shirkaddo Gaadiid Oo Soomaaliyeed

Sheeko:Caalamka

Dowladda Kenya ayaa dib u fasaxday shirkadaha basaska ama gaadiidka dadweynaha oo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah kuwaasi oo qeyb ka ahaa illaa 80 shaqsiyaad iyo shirkado la xirey akoonadooda bangiyada kadib weerarkii jaamacadda Gaarisa lagu qaaday 2-dii bishii April, 2015.
Arrintani ayaa waxa ay ka dambeysey kadib markii sidoo kale dowladda Kenya ay fasaxday shirkadaha xawaaladaha Soomaalida oo 13 shirkadood gaaraya, waxaana dhamaan dadka iyo shirkadaha lagu tuhmey in ay gacan siinayeen dadkii geystey weerarkii jaamacadda oo lagu diley illaa 150 arday iyo macalimiin.
Xayiraada laga qaaday shirkadaha basaska ayaa waxa ay sahleysaa isu socodka dadka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee gobolka Waqooyi Bari Kenya iyo Kenya inteeda kale.
Mulkiilayaasha basaska qaarkood oo hadlay waxa ay sheegeen in ay sidoo kale ay ku faraxsanyihiin go’aanka kale ee ah in dowladda Kenya ay gobolka Waqooyi Bari ka qaaday bandowgii saarnaa, taa oo shirkadaha u suurogalineysa in ay shaqeeyaa xiliga habeenkii ah.
Hase yeeshee waxaa wali aanan si rasmi ah loo fasixin akoonadii ay shirkadahani ku lahaayeen bangiyada dalkaasi Kenya, balse ay rajo ka qabaan in dib loogu furo.
Goobjoog News