U bood dhigaalka

Dowladda Ma Xajisan Kartaa Magaalo AMISOM La’aanteed?

AMISOMWaxaa magaalooyinka Awdheegle iyo Mubaarak ka dhacay dagaalo culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ururka Alshabaab, kuwaasi oo mar la wareegey gacan ku heynta magaalooyinkaasi ka hor inta aysan ciidamada dowladda dib ula wareegin. Wali waxaa jira huban la’aan cidda hadda gacanta ku heysa magaalooyinkani.

Labadan magaalo oo ku yaala Shabeelada Hoose waxa ay astaan u yihiin dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo Alshabaab oo jiitamayay sanado badan.

Intii muddo ah Alshabaab waxa ay ku doodeysey in haddii ciidamada AMISOM ay dalka ka baxaan ay maalmo ama saacado kula wareegi karto meel kasta oo ay dowladda ka taliso, waxayna sheegeen in ciidamada midoowga Afrika ay iyaga xukunka ku hayaan dowladda.

Arrintani ayaa waxaa ay hadda mareysaa tijaabadii ugu horeysey kadib markii bilo ka hor ay ciidamada AMISOM ka baxeen magaalooyinka Awdheegle iyo Mubaarak, halkaasi oo ah hadda meesha lagu dagaalamayo.

Dowladda waxa ay dooneysaa in ay muujiso in ay xajisan karto magaalo AMISOM la’aanteed, halka Alshabaab ay dooneyso in ay caddayso in ciidamada dowladda aysan meelna heysan karin AMISOM la’aanteed.

Sidaasi darteed dagaalka ka dhacaya Awdheegle waa mid ka xeeldheer dagaaladii caadiga ahaa ee dhexmarayay labada dhinac, waana dagaal siyaasadeed oo dhinac kasta doonayo in uu cadeeyo arrin muhiim u ah.

Alshabaab waxa ay markii labaad soo weerareen Awdheegle iyo Mubaarak habeenkii xalay ahaa, iyada oo uu dagaalka socdey illaa markii uu waagu baryay, waxaana jirtey in ciidamada dowladda ay u barbardhigeen weerarka Alshabaab.

Ciidamada dowladda oo ka abaabul wanaagsan weerarkii kan ka horeeyey ayaa sidoo kale filaya gurmad dheeraad ah oo ay iskaga caabiyaan weerarka Alshabaab.

Waxani oo dhan waxa ay dhacayaan xili ciidamada dowladda ay wajahayaan mushaar la’aan , mana heystaan saanad iyo garaam ku filan oo raashiin ah.

Sidoo kale weerarada Alshabaab ay soo qaadayaan ayaa waxa ay imanayaan xili ay istaageen dhamaan hawlgalii ciidan ee ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ka wadeen qeybaha kala duwan ee dalka, tanina waxa ay fursad siisey ayaa la leeyahay in Alshabaab ay dib isu soo abaabusho.

Si kastaba waxaa laga wardhowri doonaa sida uu xaalka ku dambeeya iyo sida dowladda ay u xajisan karto magaalooyinka Awdheegle iyo Mubaarak AMISOM la’aanteed.

Goobjoog News