U bood dhigaalka

Dowladda Maraykanka oo soo dhaweysay heshiiska laga gaaray maamul u samaynta gobollada dhexe ee soomaaliya

Sheeko:War

Ku simaha Ergeyga Gaarka ah ee Dawlada Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Brian H.Phipps ayaa soo dhaweeyey heshiiskii  30-kii Luuliyo lagu saxiixay magaalada Muqdisho, heshiiskaas oo ku saabsanaa sidii maamul loogu samaynlahaa gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Dawlada Maraykanku waxay bogaadinaysaa shaqada fiican ee ay hogaamiyayaasha qaybaha kala duwan ee arintan kusoo jiray sameeyeen.

“Dawlada Maraykanku waxay soo dhoweyneysaa heshiiskan taariikhiga ah waxayna rajaynaysaa in horumar laga gaaro sidii maamul loo samayn lahaa,” ayuu yiri Ku simaha Ergeyga Gaarka ah.

Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an saaxiibtinimada kala dhaxeysa dowladda iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxayna sii wadi doontaa taageeridda dariiqa Soomaaliya ay ku gaareyso nabad, daganaansho iyo mustaqbal horumar leh.