U bood dhigaalka

Dowladda Mareykanka oo Ka Warbixsay Weerar Laga Fuliyay Degmada Jilib

Sheeko:Caalamka

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Africa ee Africom ayaa sheegay in weerar dhanka cirka ay ka fuliyeen Soomaaliya, kaas oo lagu bartilmaameedsaday dagaalmayaal ka tirsan Al-shabaab, taliska ayaa howlgalkaan kala kaashtay ciidanka dowladda federalka Soomaaliya sida lagu xusay bayaan kasoo baxay dowladda Mareynka.

“Iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, AFRICOM ayaa 20-kii May, 2023 ka fulisay weerar dhanka cirka ah oo ka dhan ah shabakadda Al-Shabaab ee Soomaaliya. Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Jilib ee dalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal uu baahiyay taliska ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in aysan jirin khasaare soo gaaray dad shacab ah, kuwaas waxyeello kasoo gaartay weerarka ka dhacay magaalada Jilib ee Jubbada Dhexe” Qiimeynta bilowga ah ee taliska ayaa ah in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama la dilay” ayaa sidoo kale lagu riri qeyb ka mid ah bayaanka.

Gabagabadii qoraalka kasoo baxay Taliska Africom ee ku aadan weerarka dhacaya ayaa waxaa lagu xusay in ay dowladda Mareykanka tallaabooyin wanaagsan, kuwaas oo lagu badbaadinayo dadka rayidka ah marka ay jiraan weerarro nuucaan oo kale, waxaana mararka qaar dhacda in ay jiraan dad Rayid ah oo khasaare kasoo gaaro.

“Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabooyin aad u wanaagsan si looga hortago waxyeelada rayidka. Ilaalinta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa weli ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si kor loogu qaado Afrika ammaan badan oo xasilloon”ayaa lagu yiri gabagabada qoraalka kasoo baxay Africom.

Weerarkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladda Mareykanka hore uga fulisay Soomaaliya weerarro kale duwan, kuwaas oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo sidoo kale dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab, xilli dalka ay ka socdo diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee dowladda ay wado.

Goobjoog News