U bood dhigaalka

Dowladda Niger oo Sheegtay in Howlgal Lagu Dilay Xubno Ka Tirsan Kooxda Daacish

Sheeko:Caalamka

Ciidamada dalka Niger ayaa Isniintii sheegay inay dileen 55 xubnood oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta ee xidhiidhka la leh ururka Daacish, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sar sare, kadib howlgaka qaatay saaco badan oo ay ciidanka dalkaas ay sameeyeen dhinaca Waqooyiga.

Hawlgalkan oo socday muddo 22 maalmood ah, ayaa la soo gebagebeeyey maalinimadii Axaddii, iyada oo la bartilmaameedsaday goobaha ay ka degan yihiin kooxaha Islaamiyiintu gobolka ku yaalla dhinaca woqooyi bari oo ay xuduud kala wadaagaan dalka Nigeria.

Tirada xubnaha ay ka dileen kooxaha Islaamiyiinta, ayay ciidamada milaterigu ku faafiyeen majalad ay leeyihiin ciidamada milaterigu, kaas oo ay aragtay wakaaladda wararka ee AFP Isniintii, dalka Niger ayaa waxaa ku sugan mintidiinta Islaamiyiinta lala xiriiro Daacish.

Kooxaha Islaamiyiinta ayaa culays dhinaca amniga ah ku haya dalalka Chad, Nigeria, Niger iyo Cameroon. Afartan dal ayaa heshiis ka dhan ah kooxaha Islaamiyiinta waxa ay gaadheen sannadkii 2015, kaas oo ay ku yagleeleen ciidamo heegan ah oo la dagaalama.

Goobjoog News