Dowladda oo Ka Hadashay Dagaal Ka Dhacay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Galgaduug
Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay dagaal ka dhacay deegaanka Sinidhigo oo hoostago magaaladda Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, kaas oo u dhaxeeya ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo xooggag ka tirsan Al-shabaab, kaas oo khasaare dhaliyey.
Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in dagaalka lagu dilay 15 ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo ay sheegtay wasaaraddu in ay kamid ahaayeen xooggag dagaal ku qaaday Sinidhiqo oo ay dhowaan ciidanka dowladdu la wareegeen.
Ciidanka dowladda ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay kawadaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, waxaana howlgallada qeyb ka ah ciidanka deegaanka oo iskood isku abaabulay, ciidanka ayaa ku guuleystay deegaanno badan oo ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud in ay la wareegaan.
Goobjoog News