U bood dhigaalka

Dowladda Pakistan oo Bereeysa Malaayiin Dhir ah, Si Looga Fogaado Saameynta Cimilada.

Sheeko:Caalamka

Dowlada Pakistan ayaa bilaabeysa olale lagu talaalaayo  in ka badan sedex bilyan  oo geed,   kuwaas oo looga den leeyahay in lagu wajaho saameeynta isbedelka  Cimilada wadanka,

Mashruucaan ayaa soconaya taniyo 2023,  dowladda ayaa rajo  wanaagsan ka qabto in  hanaanka geedo beerida uu noqdo midkii guuleesta,  horay waxaa loo beeray in ka badan 500 oo milyan oo geed sanadkii lasoo dhaafay.

Nuucyada  geedaha lagu fulinaayo Mashruucaan ayaa lagu magacabaa Tsnami qorshaha ayaa haatan waxaa uu yahay in labeero 10-bilyan oo nuucaan ah, Wasiirka  isbedelka Cimilada ee Pakistaan Malik Amin Aslam ayaa VOA  oo sheegay in barlmaamed-koodu uu yahay  in labeero hal-bilyan  bisha June ee Sanadka soo aadan 2021, waxaa uu intaa ku daray in dolwadu ay qorshaha ku darstay in labeero 10-bilyan oo geed, waxana ku baxeeyso wadar ahaan lacag gaareeyso $7600 oo milyan taas oo ka baxeeyso qasnada dowlada.

Aslam ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixiyay in ololahaan si balaaran loo kordhin doono maalmaha soo socda dowladuna ay sooo saarta keyd loogu talo galay hananka mashuurac labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaa kale oo uu sheegay in ay caqabado jiraan balse lagu qasban yahay in la maareeyo si loogaaro ujeedka looga dan leeyahay hirgalinta shaqadaaan baaxda weeyn.

Wadarta guud ee keymaha Pakistan ayaa lagu qiyaasay in uu ka yar yahay 3% waana mid ka mid ah heerarka ugu hooseeyo ee gobolka, iyadoo horay QM  usoo jeedisay in 12% ay yihiin balse haatan ay kasii hooseeyso baaritaankii hore. Wadankaan dhaca Koofurta qaarada Asia ayaa kamid ah 10-ka wadanka ee aad uu sameeyay heer kulka ugu badan ee xaalufinta dhirta.

Mashruucaan  laqorsheeyay in uu socdo  seddex sano ee soo aadan ayaa waxaa shaqo abuur iyo fursado kale ka heli doono 10-kun dhalin yaro ah, dowlada ayaa baahisay in 1.5 bilyan oo shaqooyin ah ay helidoonaan dhalinta shaqa la’aanta ka cabanaya taasina waxay yareeyn doontaa Walaaca Shaqa la’aanta.