U bood dhigaalka

Dowladda Ruushka oo Ka Digtay Inaan Lagu Kalifin Isticmaalka Hubka Wax Gumaada

Sheeko:Caalamka

Dowladda Ruushka ayaa ka hadashay suurto galnimada in dagaalka u dhaxeeya Ukraine  iyo Ruushka aysan suurto gal ka dhigeyn in ay isticmaasho hubka wax gumaada ee Nuclear-ka, iyadoo   Xukuumadda Moscow, ay meesha ka saartay in  Dagaalka kala dhaxeeya Ukraine uusan sabab u noqon Karin  isticmaalo Hubka halista ah

Diblumaasi ka socday Ruushka oo Talaadadii shalay hadal ka jeediyay Shir looga hadlayay ka hortagga faafidda Hubka halista ee  Nukliyeerka, “ wararka ku saabsan in Ruushku uu isticmaalayo hubka Nuclear-ka, gaar ahaana uu u adeegsanaayo Ukraine, waa mid aan sal iyo raad toona lahayn”ayuu yiri Diblomaasiga.

Waxaa xusid mudan markii uu bilowday weerarka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu heegan sare galiyay Hubkiisa Nuclear-ka, taasi oo suurta gal ka dhigeeysa in markasta uu diyaar u yahay inuu isticmaalo, taas oo qalqal; badan ka abuurtay dunida iyop cabsi laga muujinayay arrintaas.

Trofimov, oo ah Diblomaasi sare oo ka tirsan waaxda xakamaynta Hubka ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, ayaa sheegay in Moscow ay isticmaali doonto Hubkeeda halista  keliya marka lagu soo weeraro Hub khatar ku ah jiritaanka Ruushka sida uu hadalka u dhigay, laakiin aysan xilgaan diyaar u aheyn isticmaalkiisa.

Dagaalka u dhaxeeya labada dal ayaa noqday mid saameyn badan iyo qalqal amni iyo mid dhaqaale ka abuuray caalamka oo dhan, maadaama dalalkaan ay qeyb ka yihiin wax soo saarka dhanka Shidaalka caalamka iyo Sareenka, taas oo keentay inuu qiimaha uu sare u kac badan uu ku yimaado xilli ay jirto baahida bulshada.

Goobjoog News