U bood dhigaalka

Dowladda Ruuska oo Hubkeeda Nukliyeerka Ku Rakibaysa Belarus

Sheeko:Caalamka

Xilli ay wali taagan tahay cabsida dowladaha reer Galbeedka ee ku aadankii sanad ka hor uu Ruuska ku qaaday dalka Ukrine, ayaa  mar kale madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, waxaa uu ku dhawaaqay in dalkiisa uu galayo heegan dagaal, iyaga oo Hubka hub nukliyeer ah ugu rakibi doono waddanka Belarus.

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in tallaabadaasi aanay ku xadgudbi doonin heshiiskii dhimista hubka sida daran wax yu gumaada ee  nukliyeerka, isagoo isbarbardhig ahaan u soo qaatay sida Mareykanka uu hubkiisa u keeno Yurub, sida lagu shaaciyay warbaahinta qaranka Ruushka, xilli madaxweynaha uu la hadlayay TV-ga.

Hoggaamiyaha Ruushka oo ka jabayay su’aal la weydiiyay ayaa yiri “Arrintaas waa iska caadi, Marka koowaad, Mareykanku muddo tobannaan sanadood ah ayuu sidan oo kale samaynayay. Muddo dheer ayey xeelad dagaal ahaan hubkooda nukliyeerka ugu soo daabulayeen dhulka dalalka ay xulafada yihiin.”

Burburkii Midowgii Soofiyeet 1991 ayaa hubka nukliyeerka waxa uu yaallay afar dal oo markaas xor noqday – Ruushka, Ukraine, Belarus iyo Kazakhstan – iyadoo 1996 la soo afjaray dib u soo celinta hubkaasi ee Ruushka, waxaana tallaabadaan ay ka dhigaysaa in markale Ruushka uu bukiisa dib ugu celiyo gudaha Belarus.

Tallaabadaan uu qaadayo madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir Putin ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli dhowaan qaar kamid dowladaha Reer Yurub iyo Mareykanka ay sheegeen in ay taageero siinayaan madaxwenaha dalka Ukrine Volodymyr Zelensk, kaas oo dhowr jeer sheegay inuusan dalalka reer Yurub ka helin taageero.

Bishii labaad ee sanadkii 2022 ayey aheyd markii Ruushak ay amar ku bixisay in ciidankeeda ay qaadaan tallaabo Milatari oo ka dhan ah  Ukraine, waxaana duulaanka oo jirsaday sanad ka dhashay khasaare kale duwan oo soo gaaray labada dhinac, iyadoo duulaankaan uu sabaab u noqday in kumanaan reerv Ukrine ah ay Barakacaan.
Goobjoog News