U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo heshiis kala saxiixday

Sheeko:War

Dowladaha Soomaliya iyo Mareykanka  ayaa kala saxiixday heshiis lagu taageerayo ciidanka booliiska Soomaaliya sida ay gacan uga geystaan dadaallada sugidda ammaanka.

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, James P. McAnulty iyo wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa Shantii bishan wada saxiixay heshiis ay dowladda Mareykanku ku taageereyso booliiska Soomaaliya.

Heshiiska ayaa lagu qeexay in dowlada Mareykanku ay bixineyso lacag dhan 1.9 milyan dolar, oo lagu horumarinayo shaqooyinka ciidanka Booliiska.

McAnulty, Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya iyo wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane oo iyagu saxiixay heshiiskaasi laba geesoodka ah,  oo loo qoondeeyay lacag dhan 1.9 milyan oo doolarka Mareykanka ah, ayaa dib loogu habeeynayaa qaybaha amniga Qaranka,  iyada oo lagu qarashgareenayo  mashaariicda horumarinta booliska.

Mareykanka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wada shaqeeyn doona mashaariicda lagu kordhinayo awoodda ciidanka booliiska,  si ay uga hortagaan wax kastoo liddi ku ah amniga.