U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Ka Gasahay Shir Looga Hadlayay Bandhig ku Saabsan Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada

Sheeko:Caalamka

Wasiiru-dowlaha Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Soomaaliya, Xildhibaan Axmed Diiriye, iyo wafti uu hogaaminayo ayaa ka qayb galay shir weyne iyo bandhig ku saabsan Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada oo ka dhacay Magaalada Barcelona 27-2da Febraayo, 2023. Wasiir-dowlaha ayaa intii shirku socday la kulmay masuulyiin kala duwan oo ka socda Dawladdo iyo ururo caalami ah.

Masuuliyiinta uu kulamada gaarka la yeeshay Wasiirku waxa ka mid ah madaxda Ururka Isgaarsiinta aduunka (International Telalecumnication Union) oo ay ka wada hadleen sidii loo dardargalin lahaa heshiis wax-qabad oo hore u dhexmaray Dawladda Soomaaliya iyo Ururka, oo aanay waxba ka fulin ilaa hada. Waxaana la isku afgartay in si dhakhso ah loo bilaabo hirgalinta heshiiskaas.

Sidoo kale wasiirku wuxu kulan doceed la yeeshay Wasiirka isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada wadanka South Africa. Labada masuul ayaa isku af-gartay in ay iska kaashadaan arrimo dhawr ah oo la xidhiidha Tiknolojiyada, iyadoo dhawaan labada dawladood kala sexaaxan doonaan heshiis rasmi ah.

Ugu damabyn, Wasiirka ayaa ka qaybgalay kulan dhex maray Wasiiradda shirka ka soo qayb galay iyo madaxda Ururka Isgaarsiinta aduunka, halkaas oo uu ka jeediyay warbixin ku saabsan xaalada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Soomaaliya.

Goobjoog News