U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Ka Qeybgalaysa Shirka Baarlamaanka Adduunka

Sheeko:Caalamka
Wefdi ka socda labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo uu hogaaminayo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, ayaa gaaray magaalada Manama ee Caasimadda Dalka Bahrain oo ay uga qayb gelayaan shirka guud ee Baarlamaanka Adduunka.
Sanatarrada iyo Xildhibanaannada oo uu wehliyo Xoghaya guud ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa maanta ka qayb galay shirar horudhac ah oo ka dhacay xarunta uu ka furmi doono shirka guud ee Baarlamaanka Adduunka oo sanad kaan lagu qabanayo Caasimadda Bahrain ee Manama.
Xubnaha Soomaaliya ku mataya Shirkaan ayaa waxaa ay  ka kala socdaan labada gole ee Baarlaamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, waxaana hogaaminayo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Abdullaahi Cumar Abshirow.
Goobjoog News