U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Malaayiin Dollar Uga Qeyb Qaadanayso Gurmadka Turkiga

Sheeko:Caalamka

Tan iyo markii bilowgii bishaan uu dhacay dhulgariirkii xooggaanaa ee ku dhuftay dalalka Turkiga iyo Suuriya ayaa waxaa si dabajoog ah u soo baxayay gurmadka ay arrintaan ka sameynayaan wadamada xiriirka iyo saxiibka la ah Turkiga iyo kuwa kale inta, waxaana dowladaha gurmadka bixinaya qeyb ka ah dowladda Soomaaliya oo aad saaxiib ula ah dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay, waxaana Kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye .

Xamse Cabdi Barre  ayaa madashaas uga yaboohay lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga, wuxuuna sidoo kale ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay, bishaan markii dhacay dhulgariirka.

Ganacsatada Soomaaliyeed qaar ayaa sidoo kale xalay ku yaboohay ugu yaraan 3 Milyan oo Doollar, waxaana maanta Masaajidda magaalada Muqdisho ka sii socday ololahaan oo lagu wado inuu saacadaha soo socda ka bilowdo magaalooyinka waaweyn ee gobollada dalka, waxaana dowladda Soomaaliya ay qaadanaysaa kaalinteeda kaga aadan dhulgariirkii ruxay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhankiisa  ku yaboohay $250.000 oo dollar ugu deeqay dhul gariirka Dalka Turkey ka dhacay, waxaa kaloo jira in Shirkadda Dahabshiil Group ay ugu deeqday 2,000,000 TL oo ah lacagta Dalka Turkiye  iyo dadka walaalaheen ee ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay, kaas oo ahaa taariikhda midkii ugu dhimashada badnaa ee dhacay.

Safiirka  Dowladda Turkiye u fadhiya Soomaaliya ayaa u mahad celiyay Dowladda iyo Shacbiga Soomaaliyeed, “Waxaan u mahadcelineynaa intii ka qeybqaadatay taakuleyta , isla markaana ka tacsiyadeyneysay dadkii ku dhintay dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga, isla markaana si wanaagsan uga qeyb qaadatay gurmadka dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirka”.

Dowladda Soomaaliya waxay Dowladda Turkiye ugu yaboohi doontaa lacag gaaraysa ku dhawaad 5 Milyan oo doolar, taasi oo ah wajiga 1-aad ee taakuleynta Walaalaha waxyeeladu ka soo gaartay dhulgariirkii ku dhiftay qaarka mid ah Gobolada Dalkaasi, waxaan mar kale bilaaban doono wajiga labaad ee lacag ururinta, taas oo dhinacyo badan laga uruuri doono.

Goobjoog News