U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay sarkaal hore uga tirsanaa burcad badeeda

Sheeko:War

Ciidamo ka tirsan nabad sugida dowladda federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xiray mid ka mid ah burcad badeeda soomaalida oo sanadihii u dambeeyay isku badalay ganacsade.

Ciidanka ayaa xalay xabsiga dhigay ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Cismaan Maxamuud Garfaaje. Ninkan ayaa laga soo qabtay guri ku yaalla xaafada labo dhagax ee degmada War dhiiglay,waxaana wararku ay sheegayaan in la dhigay Xabsi Ciidamada Nabadsugidda Qaranka Dadka ay ku xiraan ee Godka Jilacaaw.

Qabashada ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada nabad sugida dowladda federaalka Soomaaliya ay howlgal ku wajaheen guriga Maxamed Cabdi Gafaaje oo la sheegay in lagu qabtay hub iyo gaadiid dagaal oo uu haystay.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeysay Muqdisho ka waday howlgallo ay sheegeen in ay kula dirirayaan hubka sharci darrada ah ee yaalla gudaha magaalada.