U bood dhigaalka

Dowlado Ku Kulmay Washington oo Ka Wadahadlay Xaaladaha Soomaaliya iyo Dagaalka Al-shabaab

Sheeko:Caalamka

Wakiilo ka socday dalalka Qatar, Soomaaliya, Turkey, Imaaraadka Carabta, UK iyo Mareykanka ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay ammaanka Soomaaliya, dowlad dhiska, horumarinta iyo ahmiyadaha gargaarka bani’aadannimo.

War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka, oo ay faafisay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa lagu sheegay in dalalkan ay taageero u muujiyaan dadaallada ay Soomaaliya kula dagaalameyso argagixisada. Waxay sheegeen inay ka wada-hadleen sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxay sheegeen inay isku raaceen in la mideeyo kaalmada amni ee caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya, iyo in la xaqiijiyo in gargaar xasilin la gaarsiiyo deegaanda laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in dalalkan ay ka go’an tahay inay taageeraan dadaallada Soomaaliya ee ku aadan buuxinta halbeegyada xakameynta hubka iyo rasaasta, si Golaha Ammaanka ee QM uu si buuxda ugu qaado cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Waxay walaac ka muujiyeen dagaallada muddada bil ku dhow ka socda magaalada Laascaanood, waxayna ku baaqeen in loo hoggaansamo xabad-joojinta, la ogolaado gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana wada-hadal lagu dhameeyo xiisadda.

Dalalka ayaa ugu dambeyn sheegay inay isku raaceen in muddo saddex bil gudaheed ah ay kulan kale ku yeeshaan magaalada Doha ee dalka Qatar, si loo sii wado wada-hadallada ku aadan Soomaaliya oo xilligaan kasoo kabanaysa dagaallo iyo arrimo kale oo dib u dhigay.

Goobjoog News