U bood dhigaalka

Dr. Cabdiqawi Axmed Yusuf

Sheeko:War

Dr. Cabdiqawi Axmed Yusuf  oo ah garsoore Soomaaliyeed ayaa loo doortay madaxweynaha maxkamadda cadliga dunida ee ICJ.

Dr. Cabdiqawi, waxaa uu xubin ka ahaa garsoorayaasha maxkamadda tan iyo 2009-kii, isaga oo madaxweyne ku-xigeen ahaa tan iyo  6 February 2015-kii.

Garsoore Cabdiqawi waxaa uu Eyl ku dhashay September 12, 1948-dii, waxaa uu wax ku bartay Jaamacadda umadda 1973, Hague Academy of International Law 1974 iyo University of Florence, Italy 1976-1977.

Waa garsoorihii Soomaaliyeed ee ugu horeeyey ee darajo illaa heerkaas ah ka gaara heyadaha cadaalada ee caalamiga ah.

Maxkamadda Cadliga Aduunka (International Court of Justice):

Waxaa la dhisay 1945-tii, waxay ugu duwantahay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka Middan waa hay’ad Garsoor oo Qaramada Midoobay hoostimaado, xarunteedu waxay ku taal Den Haag oo ah magaalo ku taalo Galbeedka Holland, waxay fiirisaa Eedaha iyo Codsiyada ay soo gudbiyaan dowladaha.

Maxkamadda waxay ka koobantahay 15 Garsoore oo ay soo doorato Qaramada Midoobay iyo Goloaha Amaanka Muddo 9-sano ah.

Markaa Garsoore kasta oo ka tirsan ICJ wuxuu u baahan yahay codadka Dowladaha xubnaha ka ah Qarammada Midoobay.