U bood dhigaalka

Dukaan casri ah oo Hilibka lagu iibiyo oo laga hirgaliyay magaalada Muqdisho

Sheeko:War

Shirkada hilibka ee Soomaaliya oo ah shirkad in badan hilibka dalka u dhoofin jirtay dalka dibadiisa, ayaan maanta markii ugu horaysay magaalada Muqdisho ka hirgalisay dukaan casri ah oo lagu iibinayo hilibka noocyadiisa kale duwan.

Maxamed Cabdi Cumar oo ah maareeyaha shirkadaas oo ka hadlay munaasabadii xiriga looga jarayay dukaankaasi ayaa sheegay in shirkadda Somali meet company, ay tahay shikad leh qibrad mudo 20 sano oo la xariirta xanaaneynta iyo dhoofinta xoolaha.

Waxa uu intaasi ku daray in dhamaan dagmooyinka gobalka banaadir ay ku baahin doonaan dukaamada ceynkaan oo kale ah.

Maamulka dagmada Waabari iyo maamulka gobalka Banaadir oo isla goobtaasi ka hadlay ayaa si diiran usoo dhaweeyay hirgalinta dukaankaasi waxayna sheegeen in ay tani tahay talaabo wanaagsan oo ay aad u dhiirigalinayaan.