U bood dhigaalka

Duqa Muqdisho oo deeq lacageed gaarsiiyay haweenkii shalay ku dhawacmay Muqdisho

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”47″]

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta deeq lacageed gaarsiiyay Haween ka shaqeynayay Nadaafadda Gobolka Banaadir oo shalay ku dhaawacmay qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa maanta dhaawacyada ku booqday Isbitaalka Madiina oo ay ku jiraan  isagoo sheegay in Maamulku uu aad uga xun yahay dhibka gaaray Hooyooyinkaasi Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha  iyo mas’iiliyiintii kale ee la socoday  ayaa waxa  ay  mid  mid  u booqdeen Qolalka lagu dabiibayo  bukaanada,  isagoo  mid mid  u wareystay    xaalada  ay ku  suganyihiin.

Agaasimaha   Cisbitaalka Madiina Dr Maxamad  Yuusuf ayaa ka war bixiyay xaalada bukaanada dhaawacyadii shalay, kuwaasi oo gaaraya ilaa iyo 7-haween ah, halka ay Cisbitaalka ku geeriyoodeen saddex ka mid ah haweenkaasi.

Mudane Muungaab ayaa ku nuux nuuxsaday in Haweenku ay ka shaqeynayeen Bilicda Magaalada kuwaas oo gacan ka xaqdaran falkaasi dhibaato ay u geysatay.

Dhanka kale, duqa Caasimadda Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu gacanta ku soo dhigay ku dhawaad 20 qof oo la tuhunsanyahay in ay diyaarinayeen qarax xalay ka dhacay garaash ku yaalla inta u dhexeysa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, kuna guuleysteen inay fashiliyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Max’ed Xuseen Muungaab ayaa ugu dambeyntii hoosta ka xariiqay in maamulkiisa ay ka go’antahay xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho islamarkaana uu ka fulin doono Caasimadda mashaariic horumarineed.