Duqeymo galabta ka dhacay Baydhabo

baydhaboWararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in ay galabta magaalada ka dhaceen madaafiic waa weyn oo daryankooda laga maqlay magaalada oo dhan.

Inta la xaqiijiyay madaafiicda magaalada ku dhacday ayaa la sheegay inay gaarayaan afar xabo sida dad ku sugan magaalada ay u sheegeen Goobjoog FM.

Madaxtooyada Baydhabo waxaa ku sugan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, wararka ayaa intaa ku daraya in la maqlay rasaas ay furayaan ciidamada ku sugan gudaha magaalada.

Ma jiro warar sheegaya in khasaare nafeed ay ka dhasheen madaafiicdan. Duqeymahani ayaa dhacay xilli dadka ay isku diyaarinayeen inay afuraan.

Wixii war ah oo ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM oo si toos ah aad uga dhageysan kartaan bartan (www.goobjoog.com ama www.goobjoog.com ).

Wararka Goobjoog news

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW