U bood dhigaalka

Duuqeyn Ka Dhacday Deegana Hoostaga Gobalka Bakool

Sheeko:Caalamka

Wararka naga soo gaarayo Gobalka Bakool ayaa sheegaya in xalay xilli danbe ay diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Daroon(Drone)ka loo yaqaano ay duqeeyn dhanka cirka ah ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Xudur.

Duqeeynta ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday fariisimo ay Al-shabaab ku lahayeen deegaanka  Ma’moodow oo qiyaastii 40 Km u jira degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool .

Saraakiisha Howl galka duqeeynta hogaaminayay ayaa sheegay in ay bur buriyeen fariisimo al shabaab ay ku laheeyn deegaankaas, iyagoo sidoo kale sheegay in ay duqeynta ku dileen saraakiil ka tirsan Al shabaab .

Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeeynta ka dhacday deegaanka Ma’moodow oo hoostaga degamada Xudur .

Taliska AFRICOM ayaa Tan iyo markii bartamaha bishan dalka isaga baxeen waxa ay sheegeen in ay sii caawin doonan ciidamada Soomaaliya .

Degmada Xudur ayaa waxa muddo ka badan 10 waxa ay go’doon dhan walba ah ugu jirta ururka al shabaab kuwaas oo diiday in magaalada ay soo galaan gadiidka .