U bood dhigaalka

Erdogan Oo Ku Siijeeda Zambia

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka dhoofay Jamhuuriyadda Koofur Afrika isaga oo ku wajahan dalka Zambia oo ah Safarkiis labaad ee Qaaradda Afrika.

Diyaaradda gaarka ah ee Madaxweyne Erdogan ayaa ka baxday garoonka caalamiga ah ee  tampo ee magaalada Johannesburg, iyada oo ku sii jeeda Zambia.

Erfogan waxaa sagootiyay wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Koofur Afrika, safiirka Turkiga u fadhiya Koofur Afrika iyo Mas’uuliyiin kale.

Erdogan ayaa u tagay Magaalada Johannesburg si uu uga qeybgalo shir madaxeedka ururka BRICS oo ku ideysan dowladaha Hindiya, Shiinaha, Brazil iyo Koofur Afrika.

Goobjoog News