U bood dhigaalka

Erdogan Oo Safar Ku Maraya Dalal Ka Tirsan Qaaradda Afrika

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa socdaal ku imaanaya qaaradda Afrika, halkaas oo uu dalal dhowr ah isugu mari doono.

Erdogan ayaa socdaalkiisa waxa uu salka ku haya sida ay sheegtay Ankara arrimaha ganacsiga iyo siyaadaha uu ka leeyahay qaaradda.

Dalalka Angola, Nigeria iyo Togo, oo dhaca bartamaha,koonfurta iyo galbeedka Afrika ayaa lagu wada in uu soo gaaro madaxweynaha halkaas oo uu ku sugnaan doono muddo Afar cisho.

Turkiga ayaa iskaashi dhaqaale iyo mid maalgalinba ka fulinaya dalalkaan oo uu rabo in uu xoojiyo xiriirkooda si uu u adkeeyo saameyntiisa qaaradda.

Ankara oo isku diyaarineysa in ay xoojiso awoodeda kadib guusha weyn ee ay sugeyso 2023, ayaa xoojinaya dhamaan saaxiibadiisa uu ku leeyahay caalamka.

Goobjoog News