U bood dhigaalka

Ergada Dooranaysa Fahad Yaasiin iyo Ciidammo Hor Leh oo Gaaray Baladweyne

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baladweyne ee  xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta dowladda Soomaaliya ay geysay ciidamo dheeraad ah, kuwaas oo la sheegay in ay ilaalinayaan lataliyayaha madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo ah musharrax u taaqan kursiga tirsiisu yahay HOP#86, oo uu ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Magaalada ayaa waxaa sidoo kale gaaray laba diyaarad oo sidday Ergadii kursigaas dooran lahaa, waxaana la dejiyey qayb kamid ah magaalada, waxaana la sheegay in amnigooda ay sugayaan ciidamada AMISOM ee kusugan magaalada Baladweyn, waxaana wararku ay ay sheegayaan in Fahad Yaasiin qudhiisa uu ku wajahan yahay magaalada oo lagu dooran rabo kursiga.

Kursiga HOP#86  ayaa waxaa guddiga doorashooyinka dadban uu kasoo saaray laba warqad oo iska soo hor jeeda oo mid lagu hakiyey midna lagu fasaxay doorashadiisa, waxaana sidoo kale ciidamada dheeraadka ah ee la geeyey magaalada ay imaanayaan iyadoo shalay iska hor imaad u dhaxeeyey ciidan horay loo geeyey iyo Booliiska uu dhintay Taliyihii Saldhigga.

Goobjoog News