U bood dhigaalka

Ergada Sh/hoose Oo Gaaray Baydhabo

Sheeko:Baarlamaanka

Ergooyin ay ka socda gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ergooyinka maanta gaaray magaalada Baydhabo waxaa lagu sheegay inay yihiin kuwa horudhac kuwaasoo soo dooranaya xildhibaannada ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose.

Salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed qaarkood ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Guddiga doorashada heer gobol ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in maantaba loo qeybinayo Kaararka doorashada iyo ergada loogu talagay in lagu aqoonsado.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo maalin ka hor magaalada Baydhabo kulan gaar ah kula qaatay wakiilka Qaramada Madoobe Micheal Keating ayaa sheegay in ay caqabado ka heystaan soo qaadista ergada gobolka Shabeellaha Hoose.

Maanta magaalada Baydhabo kama jiraan wax doorasho ah waxaana lagu mashquulsan yahay soo dhoweynta iyo dejinta ergada diyaaradda ku gaaray ee Shabeellaha Hoose ka socda kuwa kalena ayaana la filayaa in isla maanta ay gaaraan.

Goobjoog News