U bood dhigaalka

Ergayga Gurmadka Abaaraha oo Washignton Kaga Qeybgalay Shirka Bangiga Adduunka

Sheeko:Caalamka
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaiya  u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qayb galay kulamada shirka sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka oo ka socda magaalada Washignton ee dalka Maraykanka.
Ergeyga ayaa maanta ka qaybgalay kulan ay dalalka Afrika kaga hadlayeen sidii ay codkooda ugu midayn lahaayeen, si ay saamayn ugu yeeshaan go’aanada masiiriga ah ee hay’adaha maaliyadeed ee adduunka, ugana faa’iidaysan lahaayeen fursadaha cusub ee isbedelka dunida.
Shirka waxaa guddoominayey ku xigeenka xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Amina J Mohamed, doodo wax ku ool ah, dhaliilo togan iyo tabashooyin garawshiyo leh ayaa miiska la isgu keenay, waxaana shirkaan uu kusoo aadayaa xilli isbedelka cimilada uu saameyn ku yeeshay Afrika.
Qaaradda Afrika iyo dalka ku yalla geeska Afrika ayaa waxaa ka jirta saameynta abaartii ku dhufatay gobolka iyo inta badan dalalka dhaca qaaradda Afrika, waxaana maalin ka hor dalka soo gaaray Xoghayaha guud ee QM isaga oo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay gargaar dheeri ah.
Ergayga Arrimaha Gurmadka Abaaraha u qaabilsan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ayaa muddooyinkii dambne caalamka ka baadi goobayay sidii taageero iyo indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa xaladda kajirta Soomaaliya ee dhanka Banii’adannimada oo ka dhalatay Abaarta.
Goobjoog News